Muqdisho (Hargeisa Press) – Dawladda dalka Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ka daad guraynaysa Soomaaliya, maadaama oo cudurka COVID19 uu si xawli ah ugu fidayo, sidaasi waxa lagu sheegay digniin ka soo baxday Safaarada Mareykanku ku leeyahay Muqdisho.
Sida lagu sheegay digniintan caafimaad, waxa muwaadiniinta mareykanka ee Soomaaliya lagaga daadgurayn doonaa diyaarada Ethiopian Airlines oo hal safar oo kali ah loo diiwaangalin doono, waxaanay safaaradu intaasi ku dartay in aanay damaanad qaadi Karin duulimaadyo mustaqbalka ah oo kale.
“Safaaradu waxa ay si adag ugu boorinaysaa dhamaan muwaadiniinta Mareykanka in safarka ay kaga imanayaan Soomaaliya ay isku diiwaangalin karaan oo kaliya sida ugu dhakhsaha badan xiligan.
Digniinta ayaa imanaysa iyada oo ay sii kordhayaan kiisaska la xaqiijiyey ee COVID-19 ee Soomaaliya. Sabtidii, Soomaaliya waxay diiwaangalisay 997 kiis iyadoo 69 kiis isla Sabtidii la diiwaalgaliyey.
Sida ku cad warbixintii ugu dambeysay ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, cudurka wuxuu ku faafay dhammaan gobollada qaybta ka ah hanaanka federaalka. Deegaamada ay sida ugu badan u saameeyeen waxa ku jira Somaliland, Puntland iyo gobolka Banaadir.