Mareykanka oo Amar Culus Ku Soo Rogay Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya

0
738
Donald Yamamoto
Donald Yamamoto

Muqdisho (Hargeisa Press) – Dowladda Mareykanka ayaa madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ku amartay in ay Muqdisho sii joogaan illaa laga gaadhayo heshiis siyaasadeed oo arrimaha doorashada ku saabsan.

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sidan ku sheegtay qoraal kooban oo ay kusoo daabacday barteeda Twitterka, iyadoo qoraalku uu si toos ah ugu socday madaxweynayaasha, Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur galbeed iyo Hirshabelle.

“Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho hadda ah. Waa inaad ku sugnaataan Muqdisho ilaa heshiis doorasho laga gaadho. Guul darradu maahan ikhtiyaar,” ayay tidhi safaaradda Maraykanka.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay in aanan la qaadan karin guul darro kale oo ku yimaada geeddi socodka doorashada.

Hadalka Safaaradda Maraykanka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo laga walaacsan yahay qabsoomida shirka madaxweyne Farmaajo ku baaqay oo xukuumada Soomaaliya ay maamulayso.

Illaa iyo hadda dowlad goboleedyada kama hadlin shirkan, balse waxaa socda dadaalo ku aadan in shirku dhaco berrito.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here