HargeisaPress —Waxa shalay aan dib ugu soo laabanay Dalkayaga Hooyo aniga iyo Mayor ku Xigeenka Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa Mudane Cabdicasiis Cagoweyne iyada oo Dadweyne aad u tiro badan iyo madax kala duwani ay si sharaf iyo Wadaninimo ka muuqato ay noogu soo dhaweeyeen Dalka.
Waxaan aad iyo aad ugu Mahadnaqayaa Salaadiinta, Cuqaasha, Culimada, Haweenka, Mayorka Caasimada, Xoghaya Dawlada Hoose, Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Berbera gaar ahaan Saaxiibkay Xildhibaan Cabdirashiid oo ah Madaxa Arrimaha Bulshada ee Golaha Deegaanka Berbera, Dhalinyarada, Agaasimaha Xanaanada Xoolada Dr. Jaamac Dabogroyaale, Agaasimaha guud ee Wasaarada Duulista Hawada Mudane Cumar Sayid, Maamulaha Madaarka Caasimada Mudane Maxamed Yuusuf, Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo uu hor kacayay Gudoomiye Xasan Dhuxul Laab-Salaax oo ay wehelinayeen dhamaan qaybaha kooxda oo ay ka mid ahaayeen, Fanaaniinta Axmeb Bakaal Cirro, Cabdiraxmaan Oday, Yurub Geenyo, Xamda Queen, Cabdiraxmaan Hilaac, iyo xubnaha kale ee kooxda oo aanan magacyadooda halkan ku soo wada koobi karin oo aan aad ugu Mahadnaqayo.
Waxa kale oo aan aad ugu Mahadnaqayaa Qaybaha Warbaahinta ee kala duwan ee Madaxa Banaan iyo Warbaahinta Dawlada oo si weyn qayb uga ahaa soo dhawaynta iyaga oo iskood isu soo xilqaamay si Wadaniyad iyo karaamo lehna noo soo dhaweeyay. Waxa kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa bulshadii Madaarka Heathrow Airport naga soo sagootiyay oo uu hormuud u ahaa Ganacsade Mahad Xaaji Cabdi Good iyo Weriye Shaqale.
Waad Mahadsan tihiin Dhamaantiin
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah.