Lascanod,(HargeisaPress)– Taliyaha guutada 7aad ee ciidanka qaranka Somaliland 𝐒𝐚𝐫r𝐞𝐞𝐲𝐞 𝐆𝐮𝐮𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐂𝐚𝐧𝐛𝐚𝐚𝐬𝐡𝐞 ayaa digniintii ugu dambaysay u diray kooxaha huwanta, si cadho lehna uga hadlay dhibaatada wehelka u noqotay Laascaanood
Sida waxa uu ku sheegay 𝐖𝐚𝐫-𝐬𝐚𝐱𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 uu ku saxeexan-yahay oo maanta nuqul ka mida ay heshay Shabakada wararka ee HargeisaPress, waxaanu u dhigaa sidan:
“Labadii bilood ee ciidammada Qaranka Somaliland kaga maqnaayeen gudaha magaalada Laascaanood sidii xal nabad ah loo gaadhi lahaa waxa magaalada Laascaanood ka dhacay 12 dil, 5 kufsi iyo boob tiro dhaaf ah oo hantiidii ganacsatada iyo guryaha tiileyba aan la dhaafin, iyadoo Laascaanood hoy u noqotay khamriga iyo mukhaadaraad aan xad lahayn. Maanta dadkii la khalday ee reer Laascaanood waxay si fiican u garanayaan xumaha ay dhaxalsiiyeen maanlaawayaashii dhiiggooda, caarkooda iyo sharaftoodaba iibsadey ee ku ciyaaray.
Haddaba, waxaan reer Laascaanood ugu bushaaraynaa in ciidamadiinnii qaranku si deg-deg ah idiinka sifayn doono wuxuushta sharaftiina, maalkiina iyo dhiiggiinaba dhulka ku daray.
Waxan fursad digniin kama danbays ah u sheegayaa kooxaha huwanta ah ee tamardarridu dhaxalsiisay inay gabbaad ka dhigtaan guryihii ay ka qixiyeen shacabkii reer Laascaanood in ay si deg-deg ah uga baxaan gudaha Laascaanood iyo guud ahaan G/Sool ba”.