Magta Askartii lagu laayay buurta Gacan-libaax oo lala kala wareegay

0
1624

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta waxaa uu Magta Askartii lagu laayay buurta Gacan-libaax ku wareejiyay eheladoodii.

Kulankan uu wasiirku Magta ugu wareejinayay ehelada Askartii ku dhimatay iyo kuwii ku dhaawacmay shaqaaqadii Buurta Gacan-Libaax, ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland.

Kulanka, ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax dhaqameedka, Culimaa’udiinka, Taliska Ciidanka Booliska iyo eheladii askartii dhimatay iyo kuwii ku dhaawacmay Buurta.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ay wehelinayaan Guddida iyo Madax dhaqameedka Bariga Burco, ayaa guddoonsiiyay ehelada marxuumiinta Magtii oo dhamaystiran, halkii dhaawicina la siiyay Badhi-gooyo.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo qaar ka mid ah madax dhaqameedka, ayaa soo jeediyay hadalo dardaaran ah oo lagu dhiiri-gelinayo Nabadgalyada Dalka Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here