Magaalada Hargeysa oo Biyo la’aan noqoneysa muddo 3 cisho ah

0
1632

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maareeyaha guud ee Wakaaladda Biyaha ee magaalada Hargeysa Maxamed Cali Daarood, ayaa waxaa uu maanta sheegaya in magaalada Hargeysa ay 3 cisho biyuhu ka maqanaan doonaan.

Maareeye Daarood oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay in maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta ee toddobaadka dambe ay biyuhu ka maqnaan doonaan magaalada.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa sababaha ay maalmahaas biyuhu uga maqnaanayaan magaalada ku sheegay, shaqo ballaadhan oo wakaaladdu ka qabanayso nidaamka biyaha.

Wuxuu sheegay Maareeye Daarood, in la suuragalinayo in dhuumaha biyaha ka soo qaada deegaanka Geed Deeble, lagu xidhi doono barkado waa weyn oo laga hirgeliyey shanka ka mid ah degmooyinka caasimada Hargeysa.

Maareeyaha, ayaa sheegay in ay saamayn weyn ku yeelan doonto maqnaanshiyaha biyuhu dadweynaha magaalada, isagoona dadweynaha ugu baaqay in ay samraan saddexda cisho ee ay biyuhu ka maqan yihiin magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here