BURCO, (HargeisaPress) —Magaalo madax-gobolka Togdheer ee Burco ayaa maalmihii u dambeeyey waxa laga dareemayey dhaqh-dhaqaaq mudaharaad aad u balaadhan oo laggaga soo horjeedo Guddoomiyaha guud ee cashuuraha bariga gobolka togdheer ilyaas Xasan Barkhadle,kaas oo la sheegay inuu ku kacay musuq-maasuq, kala qaybin dhanka shaqaalaha, qab,yaalad, isla markaana wuxuu maamulayaasha laamaha ugu hanjabaa inay lacag baad ah u keenaa, haddii kale uu xilka ka qaadi doono, taas oo sababtay markii ay masuuliyiin qaarkood ay diideen ina bixiyaan lacagaha baada ah ay xilkoodii ku wayeen.
Kacdoonka laga cabsida qabo inuu ka istaadhmo magaalada Burco, ayaa ku soo beegantay xili ay shacabka ku dhaqan magaalada Saylac, ay mudahaarad aad u baalaadhan ka dhigeen,gudaha magaalada Saylac, kaas oo ay kaga soo horjeedeen guddoomiyaha kastamha Saylac oo ay ku eedeeyeen musuqmaasuq,qabyaalada eex, waxaanay xusid mudan inay mudaharadadaasi socdeen muddo saddex cisho, isla markaan ay ka dhasheen dhaawacyo,balse nasiib daro ma jirto wax falcelin ah oo ay xukuumaddu ka samay amuurtaasi.iyadoo aanay masuulkii laga cabanayey xilkiina laga qaadin.
Geesta kalena mudaaharaadan lagag,cabsi qabo inay ka istaadhaamaan magaalada Burco, ayaa ah qaar laggaga soo horjeedo maamulaha cashuuraha bariga ee gobolka Togdheer, ilyaas Xasan Barkhadle”Qoomaal”,kaas la sheegay inuu ku kacay musuq maasuq.
Si Kastaba ha ahaatee waxa muddooyinkii ugu dambeeyey isa soo tarayey kacdoonada lagaga soo horjoodo guddoomiyayaasha cashuuraha bariga ee gobolada dalka,waxaynu dhawrnaa waa kacdoonka lagga soo horjeedo maamulaha cashuuraha bariga ee gobo;lka Togdheer Ilyaasa Xasan Barkhad “Qoomaal”
HargeisaPress News Desk — Hargeysa