Magaalada Addis Ababa oo Caawa Lagu Qabtay Munaasibad Lagu Xusayo 18-May

0
1111

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Munaasibad ballaadhan oo loogu debaal-degayay 33-guuradii ka soo wareegtay markii ay Somaliland midnimadeeda dib ula soo noqotay 18-kii May ee sannadkii 1991-kii, ayaa caawa lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Munaasibada oo lagu qabtay fagaare ku yaalla maagalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa waxaa soo qaban qaabiyey musuuliyiinta Safaarada Somaliland ee dalkaas.

Waxana munaasibadan oo ahayd mid heer qaran ah, ka qayb galay masuuliyiinta safaarada Somaliland ee Itoobiya, xubno ka socday Somaliland oo isugu jiray Wasiirro, Xildhibaanada goleyaasha Guurtida, Wakiillada iyo Deegaanka, Maayarada dalka, siyaasiyiin iyo dadweynaha reer Somaliland ee ku nool dalka Itoobiya.

In kabadan, 2,000 kun oo qof, ayaa lagu casuumay munaasibadan loogu debaal-degayay maalinta dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 18-ka May.

Waxaana madasha lagaga waramay marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland.

Sanad guurada 33-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Somailand dib ula soo noqotay madax-banaanideeda, ayaa si weyn looga xusay dalka Somaliland iyo qaar ka mid ah dalalka caalamka, waxaanay shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba muujinayeen sida ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here