Burco (HP): Booyado biyo ah oo uu soo bixiyay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta la gaadhsiiyay bulshadda ku nool deegaamo ka tirsan gobolka Togdheer.
Deegaamadda la gaadhsiiyay booyadahan biyaha ah ee uu soo bixiyay Siilaanyo, waxaa ka taagan xaalad biyo la’aaneed iyo abaar, meelahaasi oo ka tirsan gobolka Togdheer.
Waxaana caawimadda booyadaha biyaha ah lagu wareejiyay oo qaybiyay maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmadda Burco, kuwaasoo tiradoodu dhamayd 22 booyadood oo biyo ah.
Iyadoo madaxweynihii hore uu soo diray lacag, isla markaana lagu soo iibiyay biyahaasi loo qaybiyay dadka u baahan, sida uu sheegay Faarax Yuusuf Nuur, oo loo soo wakiishay caawimadan uu soo bixiyay Siilaanyo.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.