Madaxweyne Xigeenka Somaliland iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo U Ambabaxay Waqooyiga America + SAWIRRO

0
1001

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wefti la socda, ayaa u ambabaxay Waqooyiga America, halkaasi oo ay sheegeen inay hawlo shaqo u tagayaan.

Sayliciam2.jpg

Madaxweyne xigeenka oo saxaafadda sharax kooban ka siiyay socdaalkiisa ayaa sheegay inuu ku qotomo is xaal waraysi xukumadda iyo Jaaliyaddaha u dhexeeya “Insha Allah waxaanu u kicitimaynaa dalka Maraykanka iyo Canada, waa socdaal kooban oo insha Allah nagu qaadan doona muddo 3 todobaad ah, oo aanu ku soo mari doono hawlo shaqo wixii noo soo qabsoomi kara, si aanu jaaliyaddaha reer Somaliland ee waqooyiga America degan iskugu soo xog warranno ayaanu u kicitimaynaa” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku.

Sayliciam9.jpg

Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo ay wehelinayeen Wasiiru dawlaha Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye iyo la taliyaha gaarka ah ee Madaxweyne xigeenka Sakariye Daahir Cigge, ayaa sheegay inay rajaynayaan in safarkoodu guul ugu soo dhamaado, islamarkaana ay xog badan isweydaarsadaan Xukumadda iyo Jaaliyaddaha Somaliland ee halkaasi ku nool.

Sayliciam6

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

fikirkaaga

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here