Madaxweyne Muuse Biixi Oo Khudbad Ka Jeedin Doona Baarlamaanka

0
717

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu dhawaan hor tago golaha baarlamaanka.

Waxaana la shaaciyay in madaxweynuhu uu ku baaqay fadhi wada jira oo ay iskugu yimaadaan labadda gole ee Guurtidda, iyo Wakiiladda JSL.


Fadhigaasi waxaa shir guddoomin doona sida dastuuriga ah guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

Madaxweynaha ayaa baarlamaanka u jeedin doona khudbad sanadeedkiisii dastuuriga ahayd, taasoo sanad kasta uu ka jeediyo.


Khudbad sanadeedkan ayaa ah mid aad loogu wada dhag taagayo.

Waxa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo maanta ka soo baxay aqalka madaxtooyada Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here