Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo xadhiga ka jaray Dugsiga Farsamada Gacanta Burco

0
1008

Burco (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey oo weli ku gudajira socdaalkodii dhismaha nabadda,  horumarinta dalka iyo dadka, ayaa soo gaadhay Magaalada Burco, halkaasi oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa xadhiga ka jaray dayactir lagu sameeyey Dugsiga Farsamadda Gacanta Burco (Burao Technical Institute), sidoo kalena kormeer ku sameeyey qaybaha kale duwan ee uu ka kooban yahay Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco.

Sidoo kale,Madaxweyne ku-xigeenka oo halkaasi ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qiimaha ay Farsamada Gacantu u leedahay horumarka bulshada,  waxana uu yidhi:

โ€œDugsiga Farsamada Gacanta ee Burco aniga xasuus gaara ayuu ii leeyahay waayo barigii aan Wax-barashada ku jiray ayaa waxa dugsigaasi ku biiray arday markaasi aan isku fasal ahayn oo markii ay dhammeeyeen farsamada gacanta, markiiba shaqo tegay, markaas farsamada gacantu qiime weyn bay leedahay.โ€

Dhanka kalena Madaxweyneku-xigeenka Somaliland, ayaa shaaciyey in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay u tahay in ay tayeyso Dugsiyada Farsamada Gacanta ee Dalka, waxana uu yidhi: โ€œKa Xukuumad ahaan waxa aan diyaar u nahay in aanu dhiirri gelino Dugsiyadda Farsamada Gacanta ee Dalka.โ€

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Amb Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in Xafladda gunaanadka Barnaamijka Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah lagu qabanayo Magaalada Burco, isaga oo yidhi:

โ€œReer Burcow waxa aan idinku bishaaraynayaa in halkan lagu qaban doono xafladda Gunaanadka Barnaamijka Qaramaynta Ciidanka Madaniga oo ah Mashruuca ugu weyn ee imika dalka ka socda haatana gabogabo ku dhaw.โ€

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here