Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo la kulmay Madax-dhaqameedka Sanaag, Togdheer iyo Saraar

0
792

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Weftigii u hoggaaminayey ee socdaalka shaqo ku joogay Gobolka Sanaag, ayaa magaalada Ceel-Afweyn kulan kula yeeshay qaar kamid ah madax-dhaqmeedka, Wax-garadka, iyo ganacsatada Gobollada Togdheer, Saanaag, Saaxil iyo Saraar.

Kullanka, ayaa lagaga wadahadley sidii looga wada shaqayn loona xoojin lahaa danaha guud aynu Qaran ahaan wada leenahay, sidoo kalena in meel looga soo wada jeesto wixii Qarannimada Somaliland wax u dhimaya.

Kulanka waxa si weyn loogu gorfeeyey arrimaha Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah iyo nabadaynta Ceel Afweyn.

Madax-dhaqmeedka, Waxgaradka iyo haldoorkii maddasha ka hadlay, ayaa si weyn ugu dheeraaday in ay diyaar u yihiin in ay doorkooda ka qataan qorshaha Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee nabada iyo horumarka dalka iyo dadka iyo arrinta nabadaynta Ceel-afweyn iyo weliba qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi oo hadalka soo xidhay ayaa ka hadlay mihimadda ay nabadu u leedahay addamaha, waxa uu u mahad-naqay Madax dhaqmeedka iyo wax-garadka,  isoo sheegay in Xukumadda cusub ay ka go’an tahay in ay qaramayso ciidanka madaniga iyo gadiidkooda, Xukuumaduna ay masuulka ka tahay arrimaha amniga dalka iyo dadka iyo difaaca dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Wax-qabad iyo Waddajir ay diyaar u tahay xoojinta nabada, midnimada iyo wadajirka shacabka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here