Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ka qaybgalay bandhiga waxqabadka Dowladda Hoose Hargeysa

0
1030

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa waxaa uu maanta ka qaybgalay xaflada bandhiga waxqabadka iyo xisaab xidhka Dowladda Hoose ee Hargeysa saddexdii sanno ee u danbaysay (2022-2024).

Munaasibadan oo ka dhacday hoolka Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa waxa kale oo goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan xukumadda, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxman Saylici iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxaa munaasibada hadalo ka jeediyay Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, Maayar ku xigeenka caasimada, Xoghayaha dowladda hoose, Xildhibaano, Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland, Siyaasiyiin, madax-dhaqameed, Culimaa udiin iyo masuuliyiin.

Waxaanay masuuliyiinta kala duwani ay dhamaantood si qoto dheer uga warameen waxqabadka balaadhan ee ay dowladda hoose ee Hargeysa ka hirgelisey Degmooyinka Caasimada.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu dowladda hoose ee Hargeysa ku amaanay waxqabadka muuqda ee u hirgalay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa waxaa uu yidhi:- “waxaan hambalyeynayaa Dawladda Hoose ee Hargaysa oo maanta muujisay waxqabadkii ay bulshadooda u qabteen, waxaana leeyahay dawladaha hoose ee dalka waa inaad bulshadiina u soo bandhigtaan waxaad u qabateen”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here