Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta furay kulan-howleed loo qabtey dhamaan Agaasimayaashii guud ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Kulankan, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii Agaasimayaasha guud iyo Hay’adda shaqaalaha dowladdu islula falanqayn lahayeen Xeerka shaqaalaha Dowladda, Nidaamka Keyd ee Xogta Shaqaalaha dawladda, Qaab-dhismeedyada iyo Qeexidda shaqaalaha dowladda, nidaamka cashuuraha iyo xisaabaadka ee Dowladda .
Ugu horreyn, kulankan waxaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame oo sharraxay muhiimadda kulanka iyo waxyaabaha muhiimka ah ee la doonayo inay kasoo baxaan dhammaadkiisa.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi oo madasha furitaanka kulan hawleedkan hadallo kooban ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay in Agaasimayaasha guud yihiin halbowlaha shaqada dowladda, islamarkaana ay yihiin tiir-dhexaadka xidhiidhiya Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka, Wasiiru-dowlaha ama Guddoomiyaha Hay’adda iyo dhamaan shaqaalaha ka hooseeya.
Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa ku dardaaray Agaasimayaasha guud in ay masuuliyadaas u gutaan sida ugu hufan, ugu daah-furan uguna wanaagsan si muwaadiniintu u helaan adeeg hufan, waxana uu ugu duceeyey in Eebbe u fududeeyo hawsha culus ee sugaysa, kuna garab galo.