Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Gabiley

0
560

Gabiley (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/raxaam Ismaaciil (Saylici), iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta kormeeray mashaariic tiro badan oo horumarineed oo laga hirgeliyay magaaladda Gabiley.
Sidoo kale waxaa uu madaxwweyne ku-xigeenku xadhga ka jaray mashaariic kala duwan oo dhamaaday oo laga hirgeliyay isla gobolka Gabiley.


Weftigaasi uu hoggaaminayay C/raxmaan Saylici, waxaa ka mid ahaa wasiirrada wasaarradaha Caafimmaadka, Waxbarashada, wasiir ku-xigeennada Wasaaradaha Arrimaha gudaha, guddoomiyaha haayadda kaydka raashinka qaranka iyo wasiirka Biyaha.
Sidoo kale waxaa weftigaasi ka mid ahaa madaxa ugu sarreeya ee mashruuca isku xidhka dawladaha hoose ee magaciisa loo soo gaabiyo JPLG, iyadoona mashaariicda xadhiga laga jaray qaarkood laga maalgeliyay masharuucaasi.


Weftigaasi markii ay gaadheen magaaladda Gabiley waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hor kacayay badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Gabiley, masuuliyiin, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda magaaladaasi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here