Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Haweenka Somaliland Ku Hambalyeeyey Munaasibada 8-da March

0
919
Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland wuxuu dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa Haweenka Somaliland meel kastoo ay joogaan guddo iyo dibedba, iyo guud ahaanba Haween-weynaha Adduunku u dabaal-deggayaan Maalinta 8da March, oo ah maalin Caalamiya loona aqoonsaday inay gaar u noqoto Haween weynaha adduunka.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu munaasibadda 8da March awgeed, Haweenka Somaliland u rajeeyey inay xuskan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo nabadgelyo.

Dhambaalkiisan hambalyada ah, Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku sifeeyey haweenka laf-dhabar iyo Xoog mug iyo miisaan ku leh nolosha bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here