Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo xaDHiga ka jaray safaaradda Djibouti ee Soomaaliyan + SAWIRRO

0
1162

Mugdisho Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ayaa maanta wadajir xariga uga jaray dhismaha Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka Safaaradda cusub ee Jabuuti ku leedahay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin, waxaana xubnaha goobjooga ahaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo dowladdiisa ay bixisay dhulka safaaradda Jabuuti.

Safaaradda Jabuuti ayaa deganeyd dhismo ku yaalla gudaha Madaxtooyada oo ay ku shaqeyneysay muddo sanado ah, waxaana haatan safaaradda ay banaanka uga soo baxday xeyndaabka Madaxtooyada.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here