Madaxweyne Farmaajo Oo Jabuuti Kula Kulmay Dhiggiisa Dalkaasi Oo Xurguf Siyaasadeed Ka Dhex Taagan Tahay

0
949

Jabuuti, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadaneysa ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ayaa qasriga madaxtooyada dalkaas wadahadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday xoojinta xidhiidhka labada dal, kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu bogaadiyey garab istaagga joogtada ah ee Madaxda iyo Shacabka Jabuuti ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Jabuuti waxa ay uga mahad-celisay Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay halgankii xorrnimo-doonka dalkaas.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Diblumaasiyiinta Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa kulammo la yeeshay dhiggooda dalka Jabuuti, iyagoo isla meel dhigay sidii loo sii amba-qaadi lahaa heshiisyada hore ay u kala saxeexdeen labada dal.

Madaxweynaha waxaa booqashadan ku weheliya, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here