Madaxweyne Cirro oo la-kulmay Danjiraha Switzerland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

0
1856

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Danjiraha Dalka Switzerland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nairobi, Danjire Mirko Giulietti iyo weftigiisa oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Danjiraha dalka Switzerland, ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray horumarinta nabadda iyo xasilloonida mandaqadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjiraha iyo weftigiisa uga mahad naqay booqashada ay ku yimideen Somaliland, isaga oo uga xog warramay talaabooyinka wax-ku-oolka ah ee ay Xukuumadda cusubi qaaday, gaar ahaan adkaynta Nabadda iyo wada noolaanshaha bulshooyinka Gobollada Bariga Somaliland iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo Gaadiidkoodii, iyada oo haba yaraatee aanay jirin cid Somaliland ka gacan siisay.

Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha Switzerland u xaqiijiyey sida ay Somaliland uga go’an tahay adkaynta amniga iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, Dawlad-Wanaagga, ku dhaqanka hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah.

Danjiraha Switzerland waxa uu ballan-qaaday in uu Dawladdiisa u soo jeedin doono sidii Somaliland looga taageeri lahaa dedaallada ay ugu jirto nabadaynta.

Danjiraha dalka Switzerland waxa uu bogaadiyay nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee ka jira Somaliland, iyada oo ku taalla mandaqad ay ka jiraan colaado. Danjiruhu waxa uu muujiyay in ay soo dhawaynayaan in wada hadal nabadeed lagu dhammeeyo wixii khilaaf ah ee jira.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here