Madaxweyne Cirro oo kulan la yeeshay Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka

0
1156

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa uu maanta kulan muhiim ah uu la yeeshay Xubnaha Guddida Doorashooyinka qaranka.

Kulankan oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada, ayaa waxaa laga wadahadlay hab sami u socodka hawlaha muhiimka ah ee ay Guddida Doorashooyinku qaranka u hayaan.

Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Guddida Doorashooyinka ku bogaadiyey qaabka ay u maamuleen una suurto geliyeen qabsoomidda doorashooyinkii isku sidkanaa ee Madaxtooyada iyo tii Axsaabta Siyaasiga ah ee ka qabsoomay dalka, 13-kii November 2024.

Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Guddida Doorashooyinka u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, hagar-bax iyo masuuliyad dheeraad ah, taasoo ay Beesha Caalamku si weyn inoogu bogaadiyeen doorashooyinka hufan ee ka hirgalay dalkeena.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu Guddida Doorashooyinka Qaranka uga mahad celiyey doorka farsamo iyo ka aqooneed ee ay ku lahaayeen suurto gelinta Diwaangelinta Biometric-ga ah ee Qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka Somaliland.

Waxaa uu Madaxweynuhu Guddida Doorashooyinka u xaqiijiyey in Xukuumaddu ay diyaar u tahay in ay kala shaqayso wixii arrimo ah ee kaga xidhma xaggeeda.

Guddida Doorashooyinka Qaranku iyaguna dhinacooda waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad celiyeen la kulankooda, waxa aanay uga xog warrameen hab-sami-u-socodka hawlaha ay u xilsaaran yihiin.

Waxaana ay sheegeen in ay sameeyeen cilmi baadhis qoto dheer oo la xidhiidha caqabadaha ka soo baxay doorashooyinkii ina dhaafay, casharrada laga bartay iyo arrimaha u baahan in la saxo, si aanay mar kale u dhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here