Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in uu rejaynayo in la xoojiyo xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha la doortay wuxuu sidaas ku sheegay dhambaal hambalyo ah oo uu diray dowladda iyo shacbiga Imaaraadka Carabta oo uu ku bogaadiyay sannad guurada 53aad ee maalinta qaranimadooda, farriintaas oo uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter).
Wuxuu sheegay in isagoo ah madaxweynaha la doortay ee Somaliland uu si kalsami leh ugu bogaadinayo dowladda iyo shacbiga Iimaaraadka Carabta sannad guuradooda 53aad ee maalinta qarannimadooda.
Madaxweyne Cirro wuxuu tilmaamay inuu ku hambalyaynayo guulaha ay gaadheen sida midnimada, horumarka iyo ikhtiraacyada ay la yimaadeen oo dhiirigelin u ah dalalka caalamka.
Madaxweynaha la doortay wuxuu xusay inay Jamhuuriyadda Somaliland xoojinayso cilaaqaadka soo jireenka ah ee ay la leedahay Imaaraadka carabta.
Waxa kaloo uu u rajeeyay Imaaraadka carabta inay sii wadaan horumarka, iyo barwaaqada ay ku tallaabsadeen.