Madaxweyne Cirro oo daah-furay Shirweynaha Waxbarashada Farsamada Gacanta

0
1047

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta daah-furay Shirweynaha Qaran ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska oo kor loogu qaadayo barashada Farsamada Gacanta iyo xirfadaha shaqada.

Munaasibadda lagu daah-furayey Waxbarashada Farsadamada iyo Xirfadaha, ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka mid ah golaha wasiirrada xildhibaano, aqoonyahan iyo haldoor kale.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibada hadal ka jeediyey si qoto dheer uga waramay muhiimadda ay xirfaduhu u leeyihiin horumarka iyo sida loogu baahan yahay in da’yarta la baro xirfado.

“Si aynnu u yarayno shaqo la’aanta, waa in aynnu dhalinyaradeena barno xirfadaha shaqada iyo farsamada gacanta, kaddibna ku maalgelinno, kuna dhiirrigelinno in ay iyagu la yimaaddaan hal-abuur ay ku curiyaan shaqo.” ayuu yidhi.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda WADA-JIJR iyo WAXQABAD ee uu gadh-wadeenka ka yahay ay kordhin doonto Miisaaniyadda loo qoondeeyey Waxbarashada Xirfadaha Shaqada iyo Farsamada gacanta, waxana uu yidhi: “Waxa ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland kordhinaysaa miisaaniyadda waxbarashada farsamada gacanta iyo tababarrada xirfadaha shaqada ee la xidhiidha warshadaha, beeraha, dhismaha, iyo teknoolajiyada.”

Madaxweyne Cirro, ayaa waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumad ahaan ay ka go’an tahay in dhalinyaradeena lagu qalabeeyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah horumarka Qarankeena.

Waxaana uu madaxweynuhu sheegay in is-waafajinta Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo Tababarka (TVET) iyo baahida suuqa shaqada kaliya aanay ahayn dib u habayn Waxbarasho balse ay tahay maalgelin mustaqbalkeena.

Shirkan uu madaxweynuhu maanta daah-furay, ayaa laga filayaa inay ka soo baxaan talooyinka iyo tilmaamo wax ka tari doona dib u habaynta iyo casriyeynta Manhajka Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo tababarrada xirfadaha si loo helo muwaadiniin dabooli kara baahida shaqo ee suuqa ka jirta.

May be an image of 5 people, dais, hospital and text

May be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 11 people, lighting and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of ‎2 people, dais and ‎text that says '‎للَلملارلَملرلیم germa coopera DEUTSCHE ADDA WAXBARASHA MINISTRY OF OFED ED RBAARINTA IYO SA N AND SCIENCE A ARASI HEF r CON 上造 AMBASSADORHOTELHARGEISA AMBASSADOR HOTEL HARGEISA ی MDIE NCL‎'‎‎May be an image of 2 peopleHoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here