Madaxweyne Cirro iyo Daahir Rayaale oo wadahadal ka yeeshay geedi-socodka Somaliland

0
1656

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin.

Kulankan, ayaa ahaa mid ay ku dheehan tahay is-qaddarin, niyad-sami iyo laab-furnaan, iyada oo labada Mas’uul ay si weyn uga wada hadleen geedi-socodka Jamhuuriyadda Somaliland ee xagga nabadda, xasilloonida, horumarka, dowladnimada iyo dimuqraadiyadda.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin si mug leh ugaga mahad naqay doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu ku lahaa taabba-gelinta hannaanka Dawladnimo iyo doorashooyinka ee aynu haatan ku naaloonayno, xag nabad-gelyo, xag horumar iyo xagga Dimuqraadiyaddaba.

Kulanka dhex maray labada Madaxweyne, ayaa waxa uu caddayn u yahay ka wada shaqaynta arrimaha mudnaanta u leh mustaqbalka Qaranka JSL iyo midnimada ummadeena.

Kulanka dhexmaray labada Madaxweyne, ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqayaa sida ay madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee shalay iyo kuwa maanta ay mar walba ugu heellan yihiin dhismaha Qaran barwaaqo ah oo dheeftiisa loo wada dhan yahay, iyada oo la ixtiraamayo waxna laga baranayo dhaxalkii ay ka tageen hoggaankii hore ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here