Madaxweyne Biixi oo sheegay in nidaamka sawirka indhaha doorashooyinka lagu galayo

0
2021

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibada xuska maalinta xoriyadda Somaliland ee 26 June oo caawa lagu qabtay madaxtooyada.

Madaxweyne Biixi, ayaa khudbadiisa ku soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka xisbiyada iyo ururrada siyaasadda ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Madaxweynaha, ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay qodobo la sheegay inay caqabad ku noqon karaan doorashooyinka, taasi oo la xidhiidha nidaamka hubinta codbixiyeyaasha ee sawirka indhaha ee lagu gelayo doorashooyinka xisbiyadda iyo ururrada siyaasadda.

Wuxuu sheegay in nidaamka sawirka Indhaha uu ku qoran yahay sharciga dastuurka Somaliland, isla-markaana aan laga noqon karin.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu cadeeyay in nidaamka hubinta codbixiyeyaasha ee indhaha lagu geli doono doorashooyinka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in si sharci ah loo qaban doono doorashooyinka dalka ka qabsoomaya 13 bisha November ee sannadkan.

Xisbiyada mucaaradka iyo ururrada siyaasadda, ayuu ugu baaqay in ay u hoggaansamaan sharciyadda doorashooyinka, isla-markaana ay fulintiisa u xilsaaran tahay xukuumaddu.

Nnidaamka hubinta codbixiyeyaasha ee Indhaha, ayaa maalmihii u dambeeyay ay dood xoogani ka taagnayd, taasi oo ay si weyn u diidanaayeen qaarka mid ah xisbiyadda iyo ururrada siyaasadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here