Madaxweyne Biixi Oo 17 October U Asteeyay Maalinta Geesiyaasha Qaranka

0
837

Hargaysa (Hargeisa Press): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u  asteeyay in maalinta 17 October ee sannad walba ay noqoto xuska maalinta geesiyaasha qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

Wareegto uu maanta soo saaray madaxweyne Biixi  waxa uu ku sheegay in kadib markii uu qiimayn iyo la tashi fara badan ka sameeyay ahmiyadda ay qaranka u leedahay xuska maalinta geesiyaashii naftooda u soo huray halgammadii kala duwanaa ee xornimada dalka.

Sida  halgankii Daraawiishta, Kacdoonkii Culimada, Aqoonyahanka, Suugaan-yahanka iyo Halgankii Hubaysnaa ee SNM in uu go’aansaday in 17 October ay noqoto maalin qaran.

Digreetadda madaxweyne Muuse Biixi soo saaray oo nuqul ka mida uu soo gaadhay xafiiska wararka ee shebekadda Hargeisa Press, ayaa u dhignaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED: 24/10/2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-224/102018, ku asteeyey In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey: Go’aanka Shirkii Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, Shir Lr. 23aad ee 18/10/2018;

Markaan Dersay: Ahmiyadda ay Qaranka u Leedahay Xuska Maalinta Geesiyaashii naftooda u soo huray halgammadii kala duwanaa ee xornimada dalka, sida halgankii Daraawiishta, Kacdoonkii Culimada, Aqoonyahanka, Suugaan-yahanka iyo Halgankii Hubaysnaa ee SNM;

Waxaan go’aamiyey;

In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here