Madaxweynayaasha Somaliland iyo Jabuuti oo ka wadahadlay xoojinta-iskaashiga iyo xasilloonida gobolka

0
1812
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Jabuuti.

Djibouti (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex maalmood ah uga bilaabmay maanta Jamhuuriyadda Jabuuti, isagoo hoosta ka xarriiqay dedaallada lagu xoojinayo iskaashiga gobolka iyo wada-xaajoodka siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Cirro, ayaa gelinkii hore ee maanta gaadhay dalka Jabuuti, waxaana si heersare ah garoonka diyaaradaha ee Jabuuti ugu soo dhaweeyey Raysal-wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Weftiga madaxweynaha Somaliland, waxa ka mid ah masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda sida Wasiirrada Madaxtooyada, Duulista iyo Hawda, Warfaafinta, Maalgashiga, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyo sidoo kale Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si rasmi ah ugu soo dhoweeyay Madaxweyne Cirro Qasriga Madaxtooyada, halkaasoo ay labada hoggaamiye ku yeesheen wada-hadallo heersare ah. Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Wasiirka, ayaa sheegay in kulanka ay labada Madaxweyne kaga wadahadleen xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, horumarinta xasilloonida gobolka, iyo aqoonsiga xidhiidhka dhaqan, luqadeed, iyo juqraafiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah.

“Kulankan waxa uu u noqday fursad aan ku qiimaynayno is-weydaarsiga jira, wadajirka, iyo iskaashiga ka dhexeeya labadeena dal,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Wadahadallada, ayaa sidoo kale labada Madaxweyne kaga wadahadleen arrimo khuseeya labada dal, gaar ahaan ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo amniga gobolka, sida uu sheegay Wasiirku.

Kulankaasi ka dib, waxa uu Madaxweyne Geelle qado-sharaf rasmi ah u sameeyey weftiga Somaliland. Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Jabuuti, Madaxweyne Cirro waxa kale oo lagu wadaa inuu inta u hadhay safarkiisa uu booqdo goobo muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Jabuuti, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xaruntii Telecom ee Jabuuti Telecom ee fadhiisata badda hoosteeda iyo dhismayaal casri ah oo ay Jabuuti yeelatay.

Booqashadan, ayaa ka tarjumeysa ballan qaad ballaadhan oo ku aaddan diblumaasiyadda gobolka iyo iskaashiga, iyadoo labada dhinac ay doonayaan inay sii xoojiyaan xidhiidhka dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, isku xidhka iyo xasilloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here