Dimishiq (HargeisaPress)– Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa u muuqda inuu kaga guuleystay Netanyahu iskudaygii u horreyay ee uu ku doonayay inuu dhibato dhexda u geliyo oo bulshada Druze-ka iyo maamulka Dimishiq iska hor keeno,isagoo u maraya wada-hadal bulsho, wuxuu madaxweynaha Suuriya xal u helay tabashada bulshada Druze-ka, waxayna ciidanka Suuriya gudaha u galeen magaalada Jaramana oo kaliya 3 km u jirta Dimishiq.
halkaa oo ay ciidanka Israa’iil isku dayeen inay qabsadaan, iyagoo hubeynaya kooxaha Druze-ka, balse taa beddelkeeda kooxaha Druze-ka ayaa isku diidday nooc kasta oo hub iyo agab militari ee ciidanka Israa’iil ay doonayeen inay soo galiyaan Jaramana, halka ay sidoo kale iska diiddeen taageerrada uu Netanyahu sheegay inuu ku siinayo bulshada Druze-ka ee deggan.
Israa’iil inay gacan siiyaan Druze-ka Suuriya oo u tilmaamay inay xad-gudub kala kulmayaan maamulka Suuriya , balse iyagoo taa ka jawaabaya Druze-ka Suuriya, waxay amniga iyo gacan ku heynta magaalada Jaramana ku wareejiyeen ciidanka dawladda Suuriya oo xalay la arkay iyagoo gudaha u galaya magaalada ruxayana calanka bulshada Druze-ka ee Suuriya.
Iman Jama