Falanqeyn | Booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho: Ma Diblomaasiyad Isu-Dheelitiran baa mise Waa Ka Fogaansho Somaliland?

0
180

Booqashadii dhawaan uu Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku tagay Muqdisho waxay mar kale dhalisay hadal-hayn la xiriirta mowqifka Itoobiya ee Somaliland. Iyadoo heshiiskii is-afgaradka (MoU) ee la saxiixay 1-dii Janaayo 2024 uu weli xasuus yahay, dad badan ayaa is weydiinaya Itoobiya mowqifkeedii Miyey beddeshay Heshiiskaasi muujinayay in Itoobiya ay aqoonsan karto Somaliland si ay uga hesho marin badeed?

Si kastaba ha ahaatee, haddii arrinta si qoto dheer loo eego, waxay u muuqataa in Itoobiya aysan ka baxayn xiriirkeeda Somaliland, balse uu Abiy Axmed isku dayayo inuu si taxaddar leh u dheelitiro xiriirada uu la leeyahay labada dhinac—taasoo uu Mogadishu ku qancinayo, laakiin haddana danaha Itoobiya ka ilaalinayo.

Iyadoo xilka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhammaanayo bisha Juun 2026, wuxuu dadaal badan ku bixinayaa xoojinta saameyntiisa siyaasadeed kahor doorashada soo socota. Mid ka mid ah dariiqooyinka uu taas ku gaari karo waa xoojinta xiriirka uu la leeyahay Itoobiya, maadaama xiriirada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee gobolka ay weli daciif yihiin.

Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland wuxuu Mogadishu ku noqday lama filaan, isagoo Xasan Sheekh ku Cadaadisay inuu si degdeg ah uga falceliyo.
Heshiisku wuxuu guul weyn u ahaa Somaliland, maadaama uu si toos ah ugu furay albaabka xiriirka Itoobiya. Laakiin, si ka sii muhiimsan, wuxuu muujiyay xaqiiqda ah in Soomaaliya aysan wax saameyn ah ku lahayn Somaliland.

Booqashada Abiy ee Muqdisho waa fursad uu Xasan Sheekh ugu muujiyo in Soomaaliya ay weli tahay ciyaaryahan muhiim ah oo gobolka ka jira. Wuxuu Gargaar ka raadsaday Turkiga, Jaamacadda Carabta, iyo Midowga Afrika si ay u cadaadiyaan Itoobiya si ay u joojiso heshiiska Somaliland. Laakiin, dadaalladaasi ilaa hadda wax isbeddel ah ma keenin.

Dhinaca kale, Abiy Axmed safarkiisu ma ahayn mid uu dhinac gaar ah u xulanayo—wuxuu ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay sii wadato xidhiidhadeeda dhinac walba. Mid ka mid ah hadafyadiisa ugu muhiimsan waa in uu sii dheereeyo joogitaanka ciidamadiisa ee Soomaaliya iyada oo loo marayo ATMIS (oo hore u ahaan jirtay AMISOM). Itoobiya waxay u aragtaa ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya inay yihiin Kuwo muhiim ah oo xagga amniga ah, iyagoo la dagaallamaya Al-Shabaab, isla markaana kor u qaadaya saameynta Itoobiya ee Muqdisho.

Dhinaca kale, Itoobiya weli ma aysan burin heshiiskii ay la gashay Somaliland. Abiy wuxuu sii wadaa wada-hadallada uu la leeyahay labada dhinac, taasoo u ogolaanaysa Itoobiya inay yeelato doorashooyin kala duwan oo ay ku gaarto yoolkeeda ah in ay hesho marin badeed. Siyaasaddan waxay Itoobiya u ogolaanaysaa inay sii wadato xiriirka ay la leedahay Mogadishu, halka ay sidoo kale ilaalinayso xidhiidhka istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Somaliland.

Siyaasadda gobolka ha isku rogrogto sida ay doonto, hal xaqiiqo ayaa muuqata—Somaliland ayaa ah xulafada ugu xasilloon ee Itoobiya ku leedahay Geeska Afrika.

Halka Soomaaliya ay weli la daalaa-dhacayso xasillooni-darro, Somaliland waxay dhistay nidaam dimuqraadi ah oo shaqeynaya, doorashooyin badan oo la qabtay, iyo ammaan joogto ah. Waxay gaartay horumar ay Muqdisho weli raadineyso.

Waxaa ka sii muhiimsan, Somaliland waxay Itoobiya siineysaa wax aysan cid kale siin karin—marin ganacsi oo sugan oo ay ku heli karto deked muhiim ah sida Berbera. Maadaama Itoobiya ay tahay dal aan bad lahayn, waxay u baahan tahay marin sugan oo ay si rasmi ah ugu xirmi karto suuqyada caalamiga ah. Berbera waa fursad istiraatiiji ah oo ay Itoobiyaan heli karin meel kale.

Marka la eego dhammaan arrimahan, ma sahlana in Itoobiya ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland. Inkastoo Abiy Axmed uu isku dayayo inuu ilaaliyo xiriirkiisa Muqdisho, haddana Somaliland waa udub-dhexaadka istiraatiijiyadda Itoobiya ee muddada dheer.

Booqashadii Abiy ee Muqdisho waxay dhalisay hadal-hayn badan, balse xaqiiqadu isma beddelin—Itoobiya weli kama tanaasulin heshiiskii ay la gashay Somaliland. Beddelkeeda, waxay si xeel-dheer ah u wadaysaa siyaasaddeeda si aysan albaabna u xirin.

Arrintan waxay macnaheedu u tahay Somaliland in fursaddeeda aqoonsi caalami ah ay weli furan tahay. Dunida si tartiib ah ayay u bilaabeysaa inay garowsato xasilloonida, horumarka siyaasadeed, iyo awoodda dhaqaale ee Somaliland. Haddii Somaliland ay sii waddo kobcinta xiriirkeeda diblomaasiyadeed, xoojinta iskaashiga ay la leedahay dalalka gobolka, iyo sii xasilinta amnigeeda, markaas aqoonsiga rasmiga ah waa arrin waqti uun la sugayo.

Bashe Awil Omar diblomaasi iyo siyaasi hore.
Wuxuu horey u ahaa Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta (2015-2018) iyo Kenya (2018-2021).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here