Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xidhiidhka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa.
Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika.
Hargeisa Press.com/Muqdisho Office.