Madaxweynaha Somaliland oo War Cusub Ka Soo Saaray Dagaalka Laascaanood

0
2301

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in aan marnaba la badali karin xadka Somaliland.

Madaxweynaha oo saaka salaadda Ciida la tukaday shacabka magaalada Hargeysa, ayaa khudbad uu ujeediyay waxa uu ku sheegay in xadka Somaliland uu lamid yahay xadadka kale ee Soomaalida iyo Afrika ee uu jeexay isticmaarkii, taasi oo uu ula jeedo in marnaba Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool ayna ka go’i karin Somaliland.

“Suurta-gal maaha shantii Soomaaliyeed ee isticmaarku qaybiyay ee Afrika lamid ah, xadkii Somaliland ayaa la badalayaa oo hab qabali ah loo badalayaa. Ninka Kenya jooga ama ka Itoobiya jooga iyo kan Kenya jooga iyo ka Somaliland ayaa afarta xadba baabiinaya,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay in xal nabadeed lagu soo dabaalo colaadda Laascaanood.

“Reer Somaliland colaadda Laascaanood bilowgii illaa maanta nabad ayaanu u hayna,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in Somaliland ay dhankeeda diyaar u tahay soo afjarida dagaalka Laascaanood.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa Ugu dambeyntiina waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland ay dhibaato ku hayso dadka reer Laascaanood.

“Somaliland ma dhibaataynin reer Sool oo xoriyad ayay ku noolaayeen, waxaa jira dad faafinaya in Somaliland ay cabudhisay reer Sool taasi oo aan run ahayn.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here