Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa markii u horaysay ka hadlay dhacdadii deegaanka Dacawaley ee Ciidamada Liyuu Booliska ee Ciidamada maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay xasuuqa ugu daysteen Shacabka Deegaankaasi, taasoo ahayd mid sababtay mashaqo weyn oo dhimasho iyo dhaawac ah.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale ka hadlay mawqifka xukuumaddiisa ee siyaasadda ku waajahan gobolka, isagoo soo hadal qaaday dhacdadii Dacawaley, wuxuuna arrimahaa kaga ahdlay mar uu maanta ka qaybgalay furitaanka tababar la xidhiidha sidii ay xubnaha cusub ee Wasiirrada xukuumaddiisu ula iman lahaayeen fahamka hawlaha u yaal iyo qaabkii ay u wada shaqayn lahaayeen.
Tababar oo ka fiurmay Taliska Booliska Somaliland oo ay ka qaybgaleen gollaha Wasiirrada, wuxuu Madaxweyne Cabdiraxmaan kaga hadlay waajibaadka xukuumadda cusub laga sugayo iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay Iskaashiga, wada-shaqaynta iyo fahanka shaqo ee laga sugayo.
Hase yeeshee hadal koobban oo Madaxweynuhu kusoo qaaday dhacadadii Dacawaley iyo mawqifka xukuumaddaiisa kaga beegan, wuxuu yidhi, “Meel fiican ayay marayaan dadaalladii dhibaatadaa lagu soo afjarayay iyo wada hadalkii ka dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland, Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaanan ku rajo weynahay in la soo afjaro dhibaatadaasi”
Mar uu ka hadlayay qorshaha xukuumaddiisa, Madaxweyne Cirro, wuxuu sheegay in Xukuumaddiisu tahay mid nabadeed oo doonaysa in cid walba lagula noollaado nabadgelyo, balse xukuumad ahaan ay difaacayaan qaranimada iyo jiritaanka Somaliland iyo shacbigeeda.
“Waxaan u sheegayaa shacbiga Somaliland iyo dalalka jaarka in Xukuumadda Somaliland siyaasadeedu tahay nabad, waxaanse hoosta ka xariiqayaa in Somaliland diyaar u tahay dofaaca dadkeeda , dalkeeda iyo diinteeda.” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Dhinaca kale, Madaxweyuhu wuxuu booqday Cusbitaalka Hargeysa, isagoo indhihiisa kusoo arkay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dhacdadii Dacawaley, isagoo ka tacsoyeeyay qoysaskii ay ka dhinteen kuwa dhintay, kuwa dhaawacana Allah uga baryay caafimaad.
Hoos ka daawo muuqaalka