Ceerigaabo (HargeisaPress):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay Shirka Nabadda ee Beelaha Gobolka Sanaag, kaas oo muddooyinkii u dambeeyey ka socday magaalada Ceerigaabo, isla markaana maanta laga gaadhay is-afgarad, isu-soo dhowaansho iyo heshiis qaran oo taariikhi ah.
Madaxweynuhu waxa uu halkaa ka jeediyey hadalo isugu jiray dardaaran, duco iyo yididiilo Qaran oo xambaarsan nabad iyo walaalnimo, isaga oo ku booriyey beelaha reer Sanaag in ay sii xoojiyaan midnimada, is-qaddarinta iyo ilaalinta nabadda oo uu ku tilmaamay tiirka ugu weyn ee jiritaanka Qaranka Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale aad u bogaadiyey haldoorka, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Ceerigaabo ee dhexda u xidhay in la gaadho nabad waarta, iyo cid kasta oo door muuqda ka qaatay gogosha nabadda, isaga oo ballan qaaday in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta nabadda, wadajirka iyo horumarka bulshada reer Ceerigaabo iyo Guud ahaanba Gobolka Sanaag.
Shirkan nabadeed ayaa lagu soo afmeeray jawi walaaltinimo iyo isu-soo-hilow, isaga oo noqday tusaale kale oo muujinaya sida ay Somaliland ugu faanto xallinta khilaafaadkeeda taasi oo ku dhisan wada xaajood, isu tanaasul iyo garawshiiyo.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝,
























