Madaxweynaha Somaliland Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Djibouti + DAAWO SAWIRRADA

0
1118

Djibouti, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo wefti culus oo uu Hoggaaminayay ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Jabuuti, halkaasi oo loogu qaabilay hab maamuus sare, waxaana lagu muuneeyay baratool la mid ah kuw madaxda caalamka ee booqashada ku yimaada dalkaasi, waxaana soo dhaweeyay Raysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Md, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Md. Maxamed Cali Yuusuf, Wasiirro iyo masuuliyiin kale.

10858588_687773784669811_8297787256963561393_n

Madaxweynaha Somaliland waxa loo dhigay Rooga cas, waxaanu salaan sharaf ka qaatay cutub ka mid ah ciidammadda qalabka sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Iyadoo madaarkana lagaga gelbiyay Gaadiidka Baratakoolka ee wadanka Jabuuti.

1545145_687773901336466_8585909763618585696_n

Weftiga Madaxweyne Siilaanyo waxa Lagu dejiyay Huteelka Kaam-biski ee Jabuuti, waxaana halkaasi ku soo booqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanay labada madaxweyne ay yeesheen kulan gaar ah oo albaabadu u xidhnaayeen, kaasi oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wax-wada qabsiga labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

1522252_687774184669771_190862688779565559_n

Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkan ku wehelinaya Marwadda Koowaad ee Jabuuti Marwo Aamina Sh, Maxamed Jirde (Aamina Waris), Wasiirrada Arrimaha dibadda, Madaxtooyadda, Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Guddoomiye Ku xigeenadda koowaad ee Goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtida, waxaanay dalka Jabuuti ku sugnaan doonaan mudo saddex maalmood ah iyadoo ay wada hadallo yeelan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

10636101_687774144669775_2505658462475429234_n

10847860_687774071336449_2083328685836080708_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here