Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Hargeysa kala qayb-galay Tukashada Salaadda Ciidul Adxada

0
1290

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa uu saaka shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciidul Adxada.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno ka mid ah golaha Wasiirrada, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee dalka iyo saraakiil ka tirsan dawladda, ayaa shacabka kula tukaday Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.

Waxana uu shacabka u jeediyey khudbad, ayaa guud ahaan  bulshada islaamka iyo gaar ahaan bulshada reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda farxadda Ciidda, waxana uu Eebbe uga rajeeyey inuu ciiddan ciiddeeda ku gaadhsiiyo Barwaaqo iyo nabadqab.

Madaxweynaha Somaliland, waxaa uu guud ahaan ummadda Islaamka Ilaahay uga baryey inuu haybaddii iyo karaamadii uu lahaa dib ugu soo celiyo, isaga oo reer Somaliland-na u rajeeyey inay helaan xuquuqdooda ay ku raadinayaan qarannimo buuxda oo ay dunida ka helaan.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo shacabka la hadlay, ayaa ugu baaqay inay dhexdooda isu naxariistaan, is caawiyaan, isku duubni iyo wada-jirna kaga baxaan xaaladda abaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here