Madaxweynaha Somaliland oo qaabiley Safiirka dalka Sweden

0
1747

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka Dalka Sweden Amb. Joachim Waern.

Waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Dawladda Sweden, sidoo kale waxa lagu lafo-guray kulanka taageerada Dawladda Sweden ee mashaariicda dhinacyada horumarinta bulshada.

Sidoo kale, waxa kulanka lagu gorfeeyey arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Gobolka Geeska Afrika.

Waxa aanay Somaliland u caddaysay safiirka  in dalkan iyo dadkan ay ka go’an tahay inay beesha Caalamka u muujiyaan waxa ay qaran ahaan ka mudan yihiin oo ah inay ka mid noqdaan dalalka la aqoonsan yahay, marba marka ka danbaysana ay buuxinayaan shuruudaha qarannimo.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa kulanka ku wehelinayey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here