Madaxweynaha Somaliland oo qaabiley goob-joogayaasha caalamiga ah ee kormeeraya doorashooyinka

0
1562

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta waxaa uu xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay goobj-oogayaal caalami ah oo ka socda dalal kala duwan oo caalamka ka yimi, kuwaas oo dalka u yimi inay kormeeraan doorashooyinka Madaxtooyada, ta asxaabta qaranka ee qorshaysan toddobaadkan aynu ku jirno.

Madaxweynaha, ayaa waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalalka Mareykanka iyo Canada Ambassador Bashiir Sheekh Cumar Good.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu horrayn xubnaha goob-joogayaasha ah ugaga mahadnaqay inay ku soo dhiirradaan kormeerka doorashooyinka dalka ka dhacaya, waxana uu uga war bixiyey hannaanka dimuqraaddiyadda iyo is doorashada daaha furan ah ee ay Somaliland kusoo caano maashay muddadii ay jirtay, taas oo aan ka hirgeli Karin meelo badan oo qaaradda Afrika iyo caalamka kaleba kamid ah.

Waxaana uu Madaxweynuhu goob-joogayaasha warbixin guud ka siiyey hannaanka ay Somaliland ku caano maashay ee ay halkan ku soo gaadhay inay tahay kala danbayn, isu-tanaasul iyo shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha waddaniyaddu leedahay, taas oo sababtay in Somaliland ay u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgelin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo.

Madaxweynuhu waxa uu  goobjoogayaasha ku bogaadiyey inay u soo ban baxeen sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen horumarka iyo Dimuquraaddiyadda ka hana qaadday guud ahaan Somaliland, isaga oo ka codsaday inay adduunka intiisa kalena gaadhsiiyaan wixii ay la kulmaan, noqdaanna kuwo ka markhaati kaca waxa ay Somaliland ka sugayso Beesha Caalamka oo ah aqoonsi buuxa maaddaama ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa dal madax bannaan.

Goobjoogayaashu waxay dhinacooda madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka ballaadhan ee  dhinac kasta ah ee ay ku tallaabsadeen, kuna gaadheen inay qabsadaan doorashooyin daah-furan, xilalkana la isugu wareejiyo si dimuqraaddi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here