Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Jarmalka

0
742

Hargeysa (Hargeisa Press.com):Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti  ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Kenya Ambassador  Annett Günther.

Waxaana danjiraha safarkaasi ku wehelinayay  ku-xigeenkiisa oo la yidhaahdo Mr. Markus Bollmohr, iyo saraakiil kale.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Jarmalkaa oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrrimaha dibadda iyo iskaashiga  caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Wasiirka  arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jarmalka ka dhexeeya.

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa dardargelinta iyo kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland.

Ka midho dhalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Jamhuuriyadda  Somaliland ee ay kamidka yihiin waddooyinka iyo Biyuhu.

Arrimaha doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jarmalka, waxbarashada iyo  kalluumaysiga, ayaa iyaguna kamid ahaa waxyaabihii  laga  wada hadlay, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is fahan buuxa iyo guul.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here