Madaxweynaha Somaliland oo Mareykanka u soo bandhigaya heshiis ku wajahan iskaashi-ganacsi

0
2513

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa waxaa uu Waraysi qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya uu siiyey Wargeyska caanka ah ee The New York Times ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa wareysiga uu ku soo bandhigay guulahaha ay gaadhay Somaliland xag horumar, xag amni, xag bulsho iyo xag dimuqraadiyadedba.

Sioo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu waraysiga ku iftiimiyey in dalka Somaliland uu yahay dal ku yaal goob istaraataji ah, dal hodan ah oo leh khayraad fara badan oo kala duwan oo dabiici ah, berri iyo badba.

Wargeyska, The New York Times, ayaa  warbixin dheer oo xiiso leh kaga warramay nabadgelyada iyo dawladnimada ka jirta Somaliland, isaga oo xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay dedaal dheer ugu jirto in Mareykanku aqoonsado madaxbannaanida Somaliland, isaga oo Madaxweynaha Somaliland Dawladda Mareykanka u soo bandhigay in ay si buuxda u isticmaali karaan Saldhiga Millateri iyo Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo ku yaalla goob istaraataji ah oo mudnaan weyn u leh amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo weliba isu socodka Ganacsiga Caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa kale oo uu  wareysiga ku sheegay in isaga iyo dadkiisuba ay aaminsan yihiin in marka la eego fahamka sare ee uu Madaxweyne Donald Trump u leeyahay fursadaha xagga ganacsiga Caalamka ay dhalin doonto in uu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.

Wargeyska caanka ah ee The New York Times waxa uu intaasi ku daray in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu booqan doono Washington DC bilaha fooda innagu soo haya. Sida oo kale, Wargeysku waxa uu xusay in Madaxweynaha Somaliland uu Mareykanka u soo bandhigi doono heshiis ku wajahan iskaashi ganacsi, mid amni, mid istaraatajiyadeed iyo sidii looga wada faa’iidaysan lahaa xeebta Somaliland oo uu dhererkeedu yahay in ka badan 500 Mayl.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here