Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka qaranka

0
1566

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta waxaa uu wareegto Madaxweyne uu ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa uu Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka qaranka uu u magacaabay, Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed.

Sidaas waxaa lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Waxaanay wareegtadu u dhignayd sidan:

“Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-014/122024 uu ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku u leedahay Amniga Dalka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan ku qancay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey;

In Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here