Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay haweenka gobolka Togdheer

0
1480

Burco (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xalay kulan gaar ah la qaatay haweenka kala duwan ee ku dhaqan magaalada Burco.

Madaxweynaha, ayaa haweenka ka dhegaystay afkaar iyo aragtiyo kala duwan oo xaaladda dalka la xidhiidha.

Waxana uu dhinaciisa ku sifeeyey haweenka inay yihiin lafdhabarta bulshada, islamarkaana ay yihiin kuwa ugu badan ee codkooda ka dhiibta doorashooyinka, door koodana ka qaata feejignaanta arrimaha qaranka.

Xubno katirsan weftiga madaxweynaha oo ay kamid yihiin Ergeyga madaxweynaha u qaabilsan IGAD, Cabdilaahi Maxamed Ducaale, maayaradii hore ee Burco iyo Hargeysa, Maxamed Muraad, xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, wasiirka ganacsiga, ahna murrashaxa madaxweyne ku-xigeenka KULMIYE, Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo wasiirka Xannaanada Xoolaha, Siciid Sulub oo halkaa ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay haweenka reer Burco, waxana ay sheegeen in guul kasta oo KULMIYE gaadhay ay haweenka reer Burco saldhig u yihiin.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here