Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Qaatay Madax-dhaqameedkii Isu Xilqaamay Arrinta Laascaanood

0
1936

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa habeenimadii Xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Odayaashii dhaqanka ee iskood isu xilqaamay ee nabadda iyo walaaltinimada u yimid dalka si ay qayb uga noqdaan arrinta nabad ku soo dabbaalidda magaalada Laascaanood.

Kulankan oo ka qabsoomay xarrunta madaxtooyada, ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland iyo Madax-dhaqameedka kala duwan ee dalka.

Madaxweynaha, ayaa waxa uu uga mahadceliyay odayaasha dedaalkooda iyo dhabar adaygii ay Ka muujiyeen xal u helidda nabadda magaalada Laascaanood, iyaga oo muddo ku sugnaa dalka Somaliland.

Waxaanu madaxwaynuhu kula dardaarmay in ay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda nabad-raadinta, ka dawlad ahaana ay ku garab taaganyihiin, sidii ay horeba ugu muujiyeen kalsoonida cid kasta oo nabad u socota, collaadda Laascaanoodna wanaageeda wadda.

Madax-dhaqameedkan oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa hoggaaminayay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, iyagoona u socday in ay dhexdhexaadiyaan Xukuumadda Somaliland iyo Garaadada gobolka Sool.

Madax-dhaqameedka oo mudaba ku sugnaa Somaliland, ayaa hore kulamo ula qaatay madaxda Dhaqanka Somaliland ee u xilsaaran xalinta colaada magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here