Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay Haweenka Cullimada ah ee dalka

0
1382

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay Haween weynaha Ducaadda ah ama Cullimada ah ee ku dhaqan Somaliland.

Kulankan Madaxweynuhu la qaatay Haweenka Cullimada ah ee dalka, ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada.

Ugu horayna waxa kulanka furay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo ka warbixiyey ujeedada kulankani xambaarsan yahay.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay qaar ka mida Haweenka Ducaadda ah oo kala ahaa Sheekhad Saynab Maxamuud Axmed oo iyagu qur’aanka kariimka ah ku furtay kulanka, Sheekhad Sucaad Cabdilaahi Xaaji Cilmi oo ku hadlaysay afka Dalladda Birri, Sheekhad Maryan Xaaji Yuusuf oo ku hadlaysay afka haweenka cullimada ah ee Gobolka Awdal, Sheekhad Istaahil Xuseen Cabdirisaaq oo ku hadlaysay afka dalladda Caynu Basiixa, Sheekhad Ifraax Aadan Ibraahim oo ku hadlaysay afka Dalladda Xaawa, Sheekhad Rooda Cabdiqaadir Cali oo ku hadlaysay Afka haweenka Cullimada ah ee Gobolka Gabiley, Sheekhad Kawsar Maxamed Khayre oo ku hadlaysay Afka Haweenka Cullimada ah ee Gobolka Togdheer, Sheekhad Nawaal Xaaji Muuse iyo Drs. Samsam Aw Geesh.

Dhammaantoodna waxaa ay ka hadleen kaalinta ay bulshada u hayaan ee dhinaca diiniga ah, iyagoo xukuumaddana uga mahadnaqay kulankan iyo garab istaaga ay marwalba la barbar taagan yihiin wixii ay uga baahdaan Wasaaradda iyo Xukuumaddaba.

Sidoo kale, waxa kulanka ka hadlay Wasiirrada wasaaraddaha, Deegaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Shaqo-gelinta Cali Cumar Maxamed (Eng Cali Xoorxoor), Diinta iyo Awqaafta Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Xildhiibaan Axmed Dayib oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland iyo Dr Cabdirashiid.

Waxaana kulanka soo xidhay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo Haweenka Cullimada ah ku soo dhaweeyey Qasriga madaxtooyada una balan qaaday inay u furan tahay Madaxtooyadu wakhti kasta oo ay u baahdaan ka Ducaad ahaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here