Madaxweynaha Somaliland oo gogol nabadeed u fidiyey Beelaha Gobolka Sanaag

0
2439

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa uu maanta digreeto ku soo saaray gogol nabadeed oo uu u dhigay Beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolka Sanaag, si loo soo afjaro xaaladda deegaanka.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Dayr), oo warbaahinta u akhriyay digreetada Madaxweynaha, ayaa shaaciyay gogosha nabadeed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u fidiyay Beelaha gobolka Sanaag.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ka duulaya masuuliyadda qaran ee ka saaran ilaalinta midnimada iyo nabadgelyada dalka, waxa uu si rasmi ah u fidiyay gogol nabadeed oo ballaadhan, oo uu u dhigay dhammaan beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolka Sanaag,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Deyr.

Afhayeenka, ayaa waxaa uu sheegay in gogoshan nabadeed loogu talagalay in la isku laab-xaadho laguna xalliyo khilaafaadkii iyo shaqaaqooyinkii ka dhacay gobolka Sanaag, kuwaas oo sababay in ay magaalada ka barakacaan dad badan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ugu baaqayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan odayaasha dhaqanka, culimada, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada, in ay si mug leh u taageeraan hawsha nabadaynta, kuna biiraan dadaallada lagu sugayo nabad waarta,” ayuu yidhi.

Waxaa uu Afhayeenku intaa ku daray in Madaxweynahu uu aaminsan yahay in nabadda iyo wada noolaanshuhu ay yihiin saldhigga dhismaha Somaliland, isla markaana ay lama huraan tahay in beel kasta oo degta gobolka Sanaag ay xil iska saarto ilaalinta nabadda iyo wadajirka bulshada.

“Gogoshan nabadeed waxa lagu xallin doonaa dhammaan tabashooyinkii iyo dhibaatooyinkii hore u dhacay, iyadoo la adeegsanayo hab dhaqameed iyo wadaxaajood toos ah oo ku salaysan cadaalad iyo garsoor suuban,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige Dayr.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here