Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa Jamhuriyadda Jabuuti, ayaa galabta ku soo guryo-noqday dalka.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda.
Madaxweynaha, ayaa dalka Jabuuti ku tagay booqasho rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo booqashadiisu qaadatay muddo saddex maalmood ah.
Labada Madaxweyne, ayaa wada yeeshay wadahadalo rasmi iyagoo hoosta ka xarriiqay dedaallada lagu xoojinayo iskaashiga gobolka iyo wada-xaajoodka siyaasadeed ee Geeska Afrika.
kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne, ayay kaga wadahadleen xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, horumarinta xasilloonida gobolka, iyo aqoonsiga xidhiidhka dhaqan, luqadeed, iyo juqraafiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah.
Wadahadallada, ayaa sidoo kale labada Madaxweyne kaga wadahadleen arrimo khuseeya labada dal, gaar ahaan ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga.
Booqashada Madaxweynaha Somaliland ku tagay Jabuuti, ayaa ka tarjumeysa ballanqaad ballaadhan oo ku aaddan diblumaasiyadda gobolka iyo iskaashiga, iyadoo labada dhinac ay doonayaan inay sii xoojiyaan xidhiidhka dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, isku xidhka iyo xasilloonida gobolka.