Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman

0
2148

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu cafis guud u fidiyay maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaa sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed goor-dhawayd soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland.

Maxaabiista uu cafiska u fidayay Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa ay tiradoodu dhan tahay 413 (Afar Boqol, Saddex iyo Toban) maxbuus.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen.

Waxaa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista, ayaa lagu yidhi bayaan madaxtooyada.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka.

CAFIS-MADAXWEYNE: 11/10/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/09/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2024-ka;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 413 (Afar Boqol, Saddex iyo Toban) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here