Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay maxaabiista danbiyadda fudud ku xukuman

0
2305
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu cafis madaxweyne u fidiyay maxaabiista danbiyadda fudud ku xukuman ee xabsiyadda dalka ku xidhan.

Madaxweynaha, ayaa cafiskan u fidiyay Maxaabiis ay tiradoodu dhan tahay 377 (Saddex Boqol iyo Toddoba iyo Toddobaatan) maxbuus, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka ee 1446 awgeed.

Cafiskan, ayuu madaxweynuhu sheegay in ay fulinayaan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, waxanu u dhignaa sidan:-

“CAFIS-MADAXWEYNE:06/07/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka 1446-ka awgii.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: War-bixinta Taliyaha Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/233/2024, kuna taariikhaysan 01/07/2024; 

Markaan Arkay:  Qoraalka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ujeeddadiisu tahay Soo-jeedin Cafis Guud, summaddiisuna tahay XIG/JSL/265/2024, kuna taariikhaysan 06/07/2024;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 377 (Saddex Boqol iyo Toddoba iyo Toddobaatan) maxbuus, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka ee 1446 awgeed. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here