Madaxweynaha Somaliland oo booqday Xarumaha Isgaadhsiinta ee Jabuuti

0
1499

Djibouti (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex maalmood ah uga bilaabmatay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa booqday goobo muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Jabuuti, gaar ahaan xarumaha isgaadhsiinta.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa goobaha muhiimka ah ee uu booqday ee kaabayaasha dhaqaalaha ee Jabuuti, waxaa ka mid yihiin xarunta Jabuuti Telecom ee fadhiisata badda hoosteeda iyo dhismayaal casri ah oo ay Jabuuti yeelatay.

Waxaa Madaxweynaha Somaliland, xarunta isgaadhsiinta casriga ah ee Jabuuti Telecom ku soo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta Jabuuti iyo Agaasimaha xarunta Jabuuti Telecom.

Masuuliyiinta Jabuuti ee Madaxweynaha Somaliland ku soo dhaweeyay xarunta, ayaa yidhi, “Waxaanu Madaxweyne Cirro ku soo dhawaynay Xarunta Xaramaynka ee Cable Station, anagoo muujinayna doorka Djibouti ee ah xudunta dhijitaalka ah ee Bariga Afrika, iyadoo leh 10 xadhig oo badda hoosteeda ah, xaruntani waxa ay isku xidhaysaa xidhiidhka Afrika iyo shabakadaha caalamiga ah.

Inaga oo khibrad wadaaga iyo xoojinta xidhiidhka Somaliland, waxa aanu horumarinay aragti la wadaago: mustaqbal dijital ah oo xidhiidhsan oo horseeda kobaca gobolka.”

Booqashada Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka tarjumeysa ballan qaad ballaadhan oo ku aaddan diblumaasiyadda gobolka iyo iskaashiga, iyadoo labada dhinac ay doonayaan inay sii xoojiyaan xidhiidhka dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, isku xidhka iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa kale oo lagu wadaa inuu inta u hadhay safarkiisa uu booqdo goobo kale oo muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here