Madaxweynaha Somaliland oo booqday Taliska Ciidamada Milateriga ee Oog

0
7596

Oog (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidanka qaranka Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga gobollada Bariga dalka, ayaa maanta boogasho ku tegay taliska ciidanka qaranka ee deegaanka Oog ee gobolka Sool.

Madaxweynaha waxa halkaas ku soo dhaweeyey taliyaha ciidanka qaranka, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxana uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka ku sugan taliska Oog.

Taliyaha ciidanka qaranka sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey xaaladda guud ee ciidanka qaranka ee aaggaas ku sugan.

Waxana uu sheegay inay ciidamadu si buuxda diyaar ugu yihiin difaaca qaranka, islamarkaana ku jiraan gudashada waajibkooda.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban u jeediyey ciidamada qaranka, ayaa ku bogaadiyey dedaalka nafhurnimada ah ee ay ku jiraan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay difaacaan sharafta iyo haybadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here