Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo oo Gaadhay Jabuuti

0
2769

Djibouti (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi balaadhan oo uu hoggaaminayo oo saaka safar shaqo kaga ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa gaadhay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha, ayaa waxaa madaarka caasimada dalka Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’iisal Wasaaraha dalka Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn soo dhaweyn maamuuskeedu sarreeyo kala kulmay Ra’iisal Wasaaraha, kaas oo ku qaabilay Madaarka Diyaaradaha.

Waxaana Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi loo gelbiyey qolka madaxda ee (VIP)da oo ay qaddar nasasho ah ku qaateen.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinaya xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Cabdirashiid Ducaale Qambi, Gaashaandhigga, Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid oo isagu ku sii sugnaa dalkaasi, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

Waxaa la filayaa inta uu Madaxweynaha Somaliland ku sugan yahay Jabuuti uu kulamo la qaadan doono Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Socdaalka Madaxweyne Biixi, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, xilli haatan Jabuuti uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalin kahor soo bandhigay qorshihiisa ku aadan wadahadalka Somaliland.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland oo kahor inta aanu u bixin Jabuuti la kulmay Wakiillada Turkiga iyo Norway u qaabilsan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa miiska soo saaray shuruudo uu ku xidhay wadahadallada la qorsheynayo in markale dib loo bilaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here